| |
Faallooyinka
ABWAAN HADRAAWI
IYO AWOODDA EREYGA
WAA kuma Hadraawi?
Maxaa u yeelay qiimaha iyo sumcada Weyn?
Waa maxay Duruusta laga kororsaday socdaalka Hadraawi
ku maray inta badan Gobolada Jamhuuriyadii Soomaaliya
ee kala daadsan?
Hadraawi waa ninka is baray ee ay jecel yihiin malaayiin
af soomaaliga ku hadasha
Haddii la yiraahdo hala sheego qofka Hadwaawi yahay,
jawaabtu way kala duwanaaneysaa oo waxay ku xiran tahay
qofka jawaabaya.
Ma qof yaraantiisii, hana qaadkiisii ilaa maanta yaqaan
baa?, ma qof kolkii uu Xamar soo galay bartay baa?,
Ma qof Goobaha Waxbarashada iyo iyo masraxyada ku bartay
baa? Ma qof Deeley iyo Siinley uun maqlay baa? Mise
qof aan weligii arag laakiin ka mid ah malaayiinta af
Soomaaliga ku hadla ee ku qancay sida quruxda badan
ee af Soomaaliga waxa uu doono ugu cabiro?.
Anigu qeybtan danbe ayaan ka mid ahay, haddii aan isku
dayo inaan Hadraawi tilmaamo waxaan dhihi lahaa: Run
iyo Geesinimo, Aqoon iyo Aftahanimo dadnimo iyo Soomaalinimo.
Haddii aan jilciyo waxay noqoneysaa: Hadraawi waa nin
runta ka hadla oo aan ka baqin xataa haddii naftiisa
khatar muuqata ku galeyso.
Waa nin aqoon qoto dheer leh oo si hagaagsan dadka ugu
sheegi kara dareenkiisa.
Hadraawi waa ruux damqasho iyo damiir nool leh oo ay
damqeyso ama laxwinayso dhib kasta oo Soomaali kasta
heysta.
Maxaa u yeelay sumcadda weyn ee dadku ku jeclaadeen?
Waxay dareemeen jacaylka uu dadka Soomaalida ah u qabo
kolkaas ayay iyaguna jeclaadeen!!.
waxaa dadka soo jiitay runta iyo xaqa, sow diintu ma
ammaanin qofka qofka erey xaq ah ka sheega Suldaan macangag
ah hortiisa? Haa!!.
Waqti dadku cabbursanaayeen ayuu dareenkooda ka tarjumay
oo si run ah asigoo aan baqin waqti dadkoo dhami baqayeen!!
Wuxuu jecel yahay dadka Soomaaliyeed iyo dadkiisa kolkaas
ayay iyaguna jeclaadeen!
Ereyada af Soomaaliga ayuu si sax ah oo qurux badan
u adeegsadaa kolkaas ayay dadku macaansadeen oo jecleysteen.
Wuxuu neceb yahay dulmiga, awood ku faanka, qabweynida
iyo xaasidnimada.
Wuxuu ka weyneystaa dhaqan xumida, musuqmaasuqa, laaluushka
iyo awoodda xafiisyada oo si qaldan loo isticmaalo.
Suugaanleyda carabtu waxay yiraahdaan: Bamka Atomiga
waxaa ka xoog weyn eray run ah oo la adeegsaday waqtigii
ku haboonaa!!.
Waxaan u maleynayaa inay taas tahay waxa ereyada Hadraawi
awooda iyo lixaadka xad dhaafka ah u yeelay.
Sow ma xusuusatida sidii ereyadiiu u gilgileen xukunkii
adkaa ee millateriga ee Soomaaliya xoogga ku heystay
1969---1990-kii.
Taliskaas waxa riday ma aha oo kaliya wiilashii naftooda
biimeeyay ee Xabbada isku dhigay ee waxaa ka horeeyay
feker dhisan oo dadka u tilmaamayay halka ay ka socoto
dhibtii haysatay iyo waliba tilmaam waafi ah oo calaamadeyneysa
jidkii la mari lahaa kolkii ay jidadkii kale soo awdmeen!!.
Markii lagu guuleystay in la iska dulqaado xamuulkii
cuslaa ee taliskii millateriga waxaa lagu fashilmay
in la dhiso bedelka wanaagsan, waxaa la marayaa dhowr
iyo toban sano oo tiih iyo talowaa ah!!.
Hadraawi oo aynu wada qeybsanay taaha iyo xanuunkii
ka dhashay jowrkii taliskii millateriga waxaan is lahayn
isaga iyo raggii ay ka mid ahaayeen Cabdi Qeys iyo Macallin
Gaariye way idinla qeybsan doonaan baadi doonka xalka
iyo sidii dhibta looga bixi lahaa waxaan is lahayn dareenkooda
waa ka weyn yahay Burco iyo Hargeysa!!
Waxay nala ahayd inay qalbigooda ku taal, tuulo kasta
iyo dhul kasta oo Soomaaliyeed!! iyo bulsho kasta oo
Soomaaliyeed jiho kasta ha xigeene!!
Socdaalkii Hadraawi waxaan u maleynayaa inuu ka jawaabayay
dareenka noocaas ah.
Haddaba maxaa laga kororsaday socdaalkii barakeysnaa
ee Abwaan Hadraawi??.
1. In Damiirka Soomaalinimo weli nool yahay oo dadku
sida la moodayo aysan u nasaqmin, maxaa taas caddeynaya?!.
Hadraawi dhulalka uu maray waxaa ugu danbeysay dhowr
iyo labaatan sano, mudadaas waxaa socday colaado, qax
iyo is naceyb intuba Soomaalida ma ilowsiin waxa Hadraawi
yahay iyo 'Qiyamka' wanaagsan ee uu u taagan yahay.
2. In qofku dadka kasban karo oo quluubtooda hanan karo
asigoo aan u marin jid xun sida khiyaamo, laaluush iyo
baqdin gelin.
3. In ereyo si hagaagsan loo yiri ka xoog iyo saameyn
weyn yihiin dhammaan noocyada hubka ee madax-kooxeedyada
Soomaaliya.
4. in Soomaalida waqooyi ee uu ka soo jeedo Maxamed
Ibraahim aysan dhammaantood ahayn Waraabe iyo Riyaale
ee laga helayo kumanyaal aaminsan in Mushaani iyo Shalambood
uu dhulkoodii yahay sida Maxaas iyo Moqokori dhulkoodi
u yahay.
Waxa Qoray:
Yusuf Aybakar Shadoor
SOCDAALKII
NABADDA EE ABWAAN HADRAAWI IYO QAARADA YURUB
Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed
Maxamed Ibraarim Warsame (Hadraawi) ayaa lugtii labaad
ee socdaalkiisa NABADDA ku maraya Qaarada Yurub, isagoo
Soomaalida qurbaha ku nool kala hadlaya xaalada dalkii
iyo sida looga bixi karo musiibada ku habsatay Soomaaliya.
Abwaan Hadraawi oo si weyn loogu soo dhoweeyay meel
kastoo uu tago ayaa dadkii Soomaaliyeed ee uu la kulmay
ku aaqeysiiyay Murti iyo waano ku saabsan qiimaha dalkii
hooyo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada ay
dadkiisii ku jiraan, wuxuuna ahaa tusaalaha ugu weyn
ee uu gudbinayay NABADEYNTA DALKA.
Waxaa u qorsheysan inuu tago dalalka Yurub ee Soomaalidu
u badan tahay oo qaar badan oo ka mida uu soo maray,
waxayna wararka naga soo gaaraya socdaalkiisa sheegayaan
inay socdaan dalabka Soomaalida dooneysa inuu soo gaaro.
WARBIXIN KU SAABSAN
QAABKA LOOGA GANACSADO TAHRIIBKA LIIBIYA ILAA TALYAANIGA
Tahriibku
wuxuu noqday shaqo weyn oo kumanaan Doolar laga tacbo
dad badan oo ku howlan daabulka muhaajiriinta nolol
doonka ahba ay ku lacageysteen, halka qaar kale ay noloshooda
ku waayeen iyagoo doonaya inay heleen nolol wanaagsan
oo Yurub mar qura indhaha saaraan.
Baaritaan aanu ku sameynay qaabka looga ganacsado tahriibka
dadka gaar ahaan kuwa Liibiya ka baxa ayay ka soo baxday
in dadka ku howlan tahriibkaasi aanay dalaalo ku lahayn
gudaha Soomaaliya, balse marka aad tagto dalka Liibiya
aad la kulmeyso, qaabka Liibiya loo tago ayaa aad u
sahlan dhammaan waxaa laga geli karaa dalalka deriska
la ah ama dhinaca cirka oo diyaarad aad u raaci karto
mana adka inaad dal-ku-gal ama Viso Liibiyaan ah hesho,
Muqdisho oo ugu liidata waxaa laga safaarada ku taala
ay bixisaa Fiisooyin suuqa laga heli karo oo aanay qiimahoodu
ka badneyn 1000 Doolar.
Marka uu qofka tahriib doonka ah Liibiya tago wuxuu
isla markiiba helayaa dad fara badan oo ay isku lug
darsadaan taasoo dhiirigelin u noqoneysa, iminkadan
la joogo waxaa dekadda Suwaarah ee Liibiya laga heli
karaa kumanaan ruux oo Soomaali iyo Afrikaan kaleba
ah oo sugaya inay tahriibaan si ay u galaan xeebaha
Talyaaniga.
Waxaa dad laga qaadaa lacag dhan 1000 doolar si Doon
loogu saaro Talyaaniga, waxaa kaloo jira gorgortan aad
geli karto inkastoo suuqa aanay badeecad caajis ah jirin
oo la kala socdo, haddana aad ayay u yar tahay inaad
hesho Doon 1000 doolar ka yar, dadka ayaadna moodaa
inay raali ka yihiin oo dhinacaas aanay su'aal ka jirin.
Haddii aan is oran lahayd waxaa jira qabasho ama ka
hortag intii halkaasi ka tahriibtay ee nasiibka u yeelatay
inay Yurub galaan waxay sheegeen inaysan arag howlgal
daacad ah oo lagu hor istaagayp tahtiibka, guud ahaan
qofku waxay ku qaadaneysaa ilaa 3000 oo doolar inuu
Muqdisho ilaa xeebaha Talyaaniga ku gaaro laakiin halista
ka sokeysa ayaa dad badan u qasabtay inay dib uga fekeraan.
W/Qoray: Shariif Macalin
|
|